U bood dhigaalka

Xaalado Adag Oo Dhanka Nolosha Ah Oo Ka Jira Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Waxaa gabogabo maraya dadaallada lagu doonayo in lagu xiro Fatahaadda Wabiga Shabelle uu ka sameeyay qebo ka mid ah deegaanka Maandheere ee Sh/dhexe.

Biyaha ka soo rogmaday Wabiga Shabelle ayaa cagta mariyey dalagyadii beeraha, waxayna go’doomiyeen ku dhowaad 60 tuulo oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

Wadada kaliya oo ay dadka u maraan tuulooyinka ayaa ah Wabiga Shabelle dhexdiisa, iyaga oo isticmaalaya dooman yaryar.

Dadka beeraleyda ah ayaa hadda waxaa heysta sida ay sheen dhibaatooyin kala duwan oo la xiriira dhanka Caafimaadka, dadkan ayaa waxay codsadeen in loo fidiyo gurmad degdeg ah.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Sh/dhexe Axmed Meyri Makaraan ayaa sheegay in deegaannada gobolka Sh/dhexe ay ka jirto xaalado adag oo dhanka nolosha ah loona baahanyahay in dadka loo fidiyo gurmadyo.

“Dalaggii dhamaa waxaa baabi’iyay biyihii, dadkii markii ay rabeen inay gurtaan dalagga ayaa waxaa yimid daadad iyo fatahaado qaaday dalaggii beeraha”.

Roobabkii ka da’ay gobolka Sh/dhexe ayaa waxay saa,meyn ku yeesheen isku socodka dadka iyo gaadiidka, iyaga oo kheystay khasaaro hantiyadeed.

Goobjoog News