Dadka ka barakacay magaalada B/weyn ayaa toban beri wax ka badan waxay ku noolyihiin duleedka magaalada gaar ahaan deegaanka Ceel-jaalle.
Dadka ku nool Ceel-jaalle ayaan heysan Hooy ay roobka ka galaan gaar ahaan Bacaha sidoo kale dadka ayaan heysan waxyaabaha nolosha asaasiga u ah sida Musqulo biyo iyo cunto ay cunaan intaba.
Dadka ayaa ka barakacay fatahaadda webiga Shabelle, waxayna dageen duleedka magaalada halkaasi oo ay ku heysato xaalad bani’aadannimo.
Goobjoog News