U bood dhigaalka

Xaalado Sicir Barar iyo Dhibaatooyin Laga Sheegayo Puntland

Sheeko:Dalka

Xildhibaanno ka tirsan wakiillada Puntland ayaa ka deyriyay xaaladdo deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobalka Bari

Xildhibaanka ayaa sheegay in bishii hal mar ay dooni raashin wada timaaday deegaannada fog fog ee gobalka Bari waxaana uu kiishka raashinka ah sida bariiska sonkorta ay gaareen $ 80 doolar waxaana la iibinayaa haafka baastaha ah maqaaxiyaha $ 4.5(afar doolar iyo bar) sida uu xildhibaan mustaf sheegay.

Xildhibaanka ayaa sidookale sheegay in dadka ay guryihii ka baabi,iyeen duufaanihii ku dhuftay ay dadku haysan hooy ay dhaxanta iyo qoraxda ay ka galaan taasi uu ku tilmaamay mid aad looga xumaado.

Xildhibaan Mustaf ayaa dhankale sheegay inaysan deegaannadani ka howlgalin gudi wasiiro ah oo uu madaxweynaha Puntland u magacaabay inay qiimayn ku soo sameeyaan saamaynta duufaantu ku yeelatay gobalka isagoona sheegay inaysan garanayn sababta ay u howlgaliwaayeen gudigaasi waxaana uu intaa ku daray in ay hor gayn doonaan baarlamaanka marka ay soo laabtaan.

Xildhibaanka waxaa uu baaq u diraya shacabka Soomaaliyeed in ay gurmad soo gaarsiiyaan dadkaas dhibaatada heysato.

Goobjoog News