U bood dhigaalka

Xaasaska Iyo Caruurta Al-shabaab Oo Laga Saaray B/xaawo Iyo Al-shabaab Oo Xayiraad…

Sheeko:Amniga
Degmada B/xaawo ee gobolka Gedo ayaa waxaa si rasmi ah uga dhaqan galay ammar uu soo rogay maamulka degmadaasi, kaas oo ahaa xaasaska iyo carruurta ay dhaleen Al-shabaab in ay degmadaasi isaga baxaan, inkasto odoyaal iyo waxgaradka deegaanka maamulka uu ka diidey aamarkaasi in laga laabto.
Al-shabaab oo ka jawaabaya ammarka uu dul dhigay maamulka Baladxaawo xasaskooda iyo carruurtooda ayaa iyagana waxay xayiraad adag kusoo rogeen gaadiidka xamuulka ah ee soo galaya degmada iyo midka baxaya.
Mid ka mid ah haweenka deggan Baladxaawo oo la hadashay goobjoog ayaa sheegtay ammarka kasoo yeeray maamulka B/xaawo in uu cabsi iyo walwal uu ku abuurayo dadka deegaanka, iyadoo sheegtay in durbaba deegaanka laga dareemayo culeysyo ka imaanaya dhanka Al-shabaab.
Halkaan hoose ka dhageyso: