Xabad Joojin La Kala Dhexdhigey Beello Ku Dagaallamay Sool

Guddiga nabadeynta deegaanka Dhumay ee gobolka Sool ayaa sheegay in ay ku guuleysteen xabad joojin ay kala dhexdhigeen beelihii dhowaan ku dagaallamay deegaankaasi.
Dr. Axmed Jaamac Ismaaciil, guddoomiyaha guddigaas ayaa sheegay in Labada dhinac ay ka aqbaleen xabad joojintii islamarkaana ay wadaan sidii loo sii guda geli lahaa arrimaha kale ee dib u heshiisiinta.
Guddigooda ayuu sheegay inuu ku howlan yahay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu heshiis nabadeed ku kala dhexdhigo beelahan dagaallamay.
“Labada dhinac waxay ku mahadsan yihiin iney innaga aqbalaan xabad joojin la kala dhex dhigey, waxaan wadnaa dedaallo dheeraad ah, waxaana jecalnahay in heshiis aan kala dhexdhigno beelahan” ayuu yiri Dr. Axmed Jaamac.
In ka badan 20 qof ayaa ku geeriyootey dagaal Todobaadkii tegay dhexmaray beello wada deggan deegaanka Dhumay ee gobolka Sool, iyadoo waxgaradka gobolkaasina wadaan dedaallo dib u heshiisiin ah.
Goobjoog News
Melmrb ayjvie Brand name cialis cialis coupon walgreens
Tbcwai yrdyhu printable cialis coupon cialis online
Bkautj egfqde order generic viagra online cialis coupons
Fqjowy vgyxgf Buy cheap viagra online cialis
Glbwrf qbthqu Buy viagra canadian pharmacy