U bood dhigaalka

Kismaayo : Xabsi Laga Dhisayo Xeebta Qarkeeda

Sheeko:Dalka

Madaxweyne ku xigeenka labaad ee maamulka Jubbaland Cabdiqaadir Lugadheere ayaa maanta dhagax dhigey xabsi weyn oo laga dhisayo xeebta qarkeeda kaasi oo noqonaya kii ugu balaarnaa ee laga dhiso gobolada Jubbooyinka.

Xafladdii dhagax dhigga ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa saraakiil kala duwan oo xagga ciidamada ah iyo waliba guddoomiyaha gobolka Jubbada Hoose Cabdirishiid Gooni.

Dhismaha xabsiga ayaa waxaa maalgalinaya maamulka iyo ganacsatada, gaar ahaan rugta ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland.

“Xabsigaan Wuxuu noqon doonaa Xabsiga dhexe ee Jubbaland, Waxaana lagu Xiri doonaa Dadka Dambiileyaasha ah iyo kuwa u baahan Dhaqan-celinta,” ayuu Hadalkiisii ku Daray madaxweyne ku xigeenka Jubbaland.

Xabsiga waxaa laga dhisayaa xeebta qarkeeda meesha lagu magacaabo Kiboora oo u dhow dalxiiska, dhanka waqooyi ee magaalada.

Dhismaha xabsigani ayaa bilaabanaya xili uu burbur xooggan ka muuqdo xabsigii hore ee Kismaayo, kaasi oo aanan hadda ku habooneyn in dad lagu xiro.

Goobjoog News

 

1 2