U bood dhigaalka

Xabsiyadda Dalka Oo Loo Diyaariyey Qaabilidda Maxaabiista Soomaaliyeed Ee Ku Xiran Dalalka Caalamka

Sheeko:Dalka

Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Bashiir Maxamed Jaamac ayaa sheegay in ay u diyaarsan yahay in dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran dalalka shisheeye ay ciqaabtooda ku dhameystaan gudaha dalka.

Taliyaha oo hadal ka jeedineyey kulan looga hadlayey aayaha dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada in ka badan 20 dal oo caalamka ah ayaa sheegay in xabsiyada dalka ay ka wanaagsna yihiin kuwa ay iminka dhallinyarada ku xiran yihiin nolol ahaan marka loo eego.

Wuxuu tilmaamay Taliye Bashiir in muhiimad gaar ah ay leedahay in dhallinyarada Soomaaliyeed la keeno dalkooda si ay ciqaabta ugu dhameystaan xabsiyada dlaka ku yaalla.

“Waagii hore waxaa la dhihi jiray xabsiyada Soomaalida ma leh waxyaabihii looga baahnaa xabsiyada, maalin dhoweyd dalal aan hadda magacaabeyn xabsiyadooda ayaan soo booqday, annaga oo aan isku ammaaneyn dowlad ahaan waan ka faaney meesha carruurteena lagu hayo oo dibadahaasi ah, dhallinyaradeenna xabsiyada dalka ku jirta maanta aqoon bay heleen, waxbarasho, sariiro ay ku hurdaan, biyo ay ku qebeystaan, garoon ay ku ciyaaraan, waxay heleen farsamo gacmeed iyo meelihii ay wax ku baranayeen” ayuu yiri taliyaha.

Aragtida taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliyeed mid lamid ah waxaa qaba xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Dr Axmed Cali Daahir, wuxuuna sheegay in dhallinyarada Soomaaaliyeed xabsiyada dibadda ah ee ay ku xiran yihiin in nolol ahaan ay ka wanaagsan yihiin kuwo dalka.

“Xabsiga Hindiya Kun jeer waxaa ka wanaagsan xabsiyadeenna burbursanaa, ma ahan kuwa hadda la habeeyey, waaaxaa jira meello kale oo ka dhibaato badan oo ay ku xiran yihiin dhallinyaradeena Soomaaliyeed, waana 22 dal” ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha.

Dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa ku xiran dalal ku yaalla caalamka, waxaana hadda ugu daran kuwa ku xiran dalka India oo dhibaatooyin dhanka nolosha ah ay hayso.

Goobjoog News