U bood dhigaalka

Dagaal Xooggan oo Markale Ka Qarxay Laascaano iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Sheeko:Amniga

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada Milatariga Somaliland iyo xoogagga SSC ayaa saakay  markale dib uga qarxay duleedka Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo ciidanku isku horfadhiyeen oo lagu dagaalamyay labadii maalin ee lasoo dhaafay, kaas oo ahaa midkii ugu cuslaa tan iyo markii uu bilowday.

Dhinacyada ayaa saacadihii ugu dambeeyay warbaahinta isku mariyay hadallo dhiillo xambaarsan, waxaana dagaalka uu imaanayaa iyadoo ciidanka Somaliland ay isaga baxeen fariinno dhowr ah oo ay ku la haayeen duleeda magaalada, xilli la warinayo in dagaalka saakay uu ka qarxay meel aan ka fogeyn saldhigga Goojacadde.

Dagaalka ayaa waxaa la sheegayaa in ciimada Milatariga Somaliland ay soo qaadeen sida ay sheegayaan wararku, kuwaas oo doonaya in ay dib u qabsadaan goobo shalay lagala wareegay, waxaana sii kordhaya khasaaraha dadka Rayidka, maadaama goobaha lagu dagaalamayo ay yihiin dhulka Miyiga ah ee duleedka Laascaanood.

Magaalada Laascaanood ayaa sedexdii maalin ee ugu dambeysay waxaa dagaalka ka socda uu ahaa midkii ugu adkaa ee dhex mara dhinacyad, waxaana jirta in Ciidanka Somaliland ay isaga baxeen xeryo dhowr ah oo ay horay u joogeen sida Guulwade iyo Saldhigga Tukaraq oo ay ku sheegeen in looga baxay xeelad dhanka dagaalka ah.

Saraakiil ka tirsan Somaliland ayaa sheegtay in dagaalka ka socda Laascaanood ay ku jiraan ciidamo ka tirsan Puntland, xilli dadka deegaanku aysan xaqiijin arrintaas, dagaalka magaalada ayaa hadda ka fogaaday magaalada, waxaana dhinacyado ay isku hayaan Saldhigga Goojacadde, oo taliska gobolka ee Milatariga Somaliland.

Dagaalka magaalada Laascaanood oo ku dhow muddo bil ah ayaa ka bilowday shacab ka carooday dilal ka dhacay magaalada xilli bannaanbaxoodii Rasaas ay ugu badaleen ciidan Somaliland oo gacanta ku haayay, dagaalka ayaa sidoo kale geystay burbur xooggan oo soo gaaray magaalada, oo ay adeegsadeen ciidanka Milatariga.

Goobjoog News