U bood dhigaalka

Xafiiska Difaacaha Xuquuqda Aadanaha Puntland : Boosaaso Waxaa Ka Dhacay Xad Gudubyo Xuquuqda Aadanaha Ka Dhan Ah

Sheeko:Amniga

Xafiiska difaacaha xuquuqda aadanaha Puntland ayaa ku baaqay in cadaalad ay helaan dhibanayaashi ay waxyeelada ka soo gaartay dagaalki ka dhacay magaalada Boosaaso.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in cadaalad ay helaan dadkii ay eheladoodi ku waayay dagaalka iyo kuwii wax yeeladu ay ka soo gaartay.

Xafiiska difaacaha xuquuqda aadanaha Puntland ayaa sidoo kale ugu baaqay dadka ku howlan xal u helidda dhibkii dhacay in ay si deg deg ah  dhibanayaasha xaqooda loogu soo dhiciyo.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Xafiiska difaacaha xuquuqda aadanaha Puntland.