U bood dhigaalka

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha: Tallabooyinkaan Wixii Ka Dhasha Waxaa Qaadaya Madaxweynihii Hore Dalka Farmaajo

Sheeko:Amniga

War ka soo baxay Xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa looga jawaabay shaqa ka joojinta wasiirka koowaad ee dalka xalay uu ku sameeyay Farmaajo.

Warka ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in mas’uuliyadda ka dhalata carqaladeynta shaqada ra’iisul wasaaraha uu qaadan doono madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

“Warka ka soo baxay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo ee khuseeya shaqada Ra’iisul Wasaaraha iyo isku daygiisa in uu ciidan kula wareego xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waa tallaabooyin baal marsan dastuurka iyo sharciyada dalka, mas’uuliyadda wixii ka dhashana waxaa qaadaya Farmaajo,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka.

Dhinaca kale xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa shaaciyay in ra’iisul wasaaraha uu shaqadiisa caadiga ah uu ku guda jiro.

“Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble wuxuu sidii caadiga ahayd u wataa shaqo maalmeedkiisii, waxaana ka go’an in uusan cidna uga heybeysan gudashada waajibaadkiisa Qaran, si uu dalka u gaarsiiyo doorasho horseedda in awoodda lagula kala wareego si nabad ah,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Rooble.

Arintaan ayaa timid kadib markii saaka ciidamo ka amar qaata Farmaajo ay damceen in ay is horistaag ku sameeyaan shaqada ra’iisul wasaaraha.

Goobjoog News