U bood dhigaalka

Xaflad lagu wayneynayo maalinta calanka oo lagu qabtay Garoowe (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Munaasabad lagu xusayo calanka baluuga ah ee Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay maanta oo Axad ah xarunta Jaamacadda Bariga Africa ee Garowe.

Waxaa ka soo qeyb galay xafladan madaxwaynaha maamulka Puntland Cabdiwali Cali Gaas, ku xigeenkiisa Egn.Camay iyo Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Shiikh Axmed.

Ra’iisul Wasaraha Soomaaliya ayaa tilmaamay in calanka sharafta leh ee Soomaaliya uu mudan yahay in la xuso oo la ixtiraamo dadkii u soo halgamay, wuxuuna sheegay inuu ka mid yahay dhaxalka dalka.

”Calanka waxaa sameeyay Maxamed Cawaale Liibaan, heesta waxaa alifay Xuseen Ow-Faarax waxaana ku luuqeeyay Cabdilaahi Qarshe, marka saddex-daba way geeriyoodeen waana ixtiraamaynaa, laakiin Calanka iyo heesta ay nooga tageen waa dhaxal ka ab ka ab”.

Madaxwaynaha maamulka Puntlad Cabdiwali Cali Gaas ayaa xusay in ay muhiimad gaar ah u lee daahay maadama ku beegan tahay 12-ka October 1954 xiligaas oo la sameeyay calanka baluuga ah ee dhexda ku leh shanta xidig, wuxuuna shacabka ugu baaqay in ay mudnaan gaar ah siiyaan meesha ay ku arkaan calankaasi.

Waxaa sidoo kale munaasabado lagu wayneynayo maalinta calanka Soomaaliyeed lagu qabtay magaalooyinka Muqdisho iyo Dhuusomareeb iyadoona lagu soo bandhigo taariikhda calanka iyo dadkii halganka u soo galay.

Hoos ka dhageyso codka ra’iisal wasaare Cabdiweli: