U bood dhigaalka

Xaflada Daahfurka Mashruuca Tababarka Mootooyinka ee Shaqa Abuurka Hormuud Salaam Foundation.

Sheeko:Amniga

Waxaa Saakay lagu daah furay degaanka Km13 ee Degmada Kaxda, Mashruuca Tababarka Mootooyinka, oo aay ka qeyb qadanayaan 80 dhalinyaro. Mashruucaan oo aay maalgelineeyso Hormuud Salaam Foundation, ayaa  qorshuhu yahay in shaqo loogu abuuro ilaa iyo 1000 (kun dhalinyaro ah), kuwaasoo la bari doono wadida Mootooyinka , ka dibna aay dhaqo siin doonto Shirkada RIKAAB, oo ka shaqeeysa adeegyo kala duwan ,  tababarka ayaa socon doono mudo 28 maalmood ah, dhalinayarada maanta Tababarka u furmay ayaa kasoo gudbay Imtixaan qoraal iyo Xisaab ah oo laga soo qaaday.

Gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation, Abdullahi Nur Osman, oo ugu horeyn meesha ka hadlay , ayaa sheegey ineey doonayaan ineey shaqo u abuuraan, 1000, dhalinyaro oo ku shaqeyn doono Mootooyinka, iyaga oo shaqada aay siin doonto shirkadda RIKAAB, ayna ka shaqeynta doonaan adeegyo kala duwan oo macaamiisha alaabta loogu geynayo goobahooda, waxaana maanta tababarka loo furey 80 dhalinyaro ah oo noqonaya dufcadii 1aad. Gudoomiyaha ayaa sheegey in Tababarka loo qaban doono Dufcad Dufcad, dufcada 2aadna aay bilaaban doonto 5 November 2022.

Tababarka ayaa waxaa fulinaya Dugsiga Farsamada Gacanta ee Buruuj , Maamulaha Dugsiga Farsamada ee  Buruuj , Abdimajiid Khadar Ali ayaa sheegey in tababarka oo noqon doono Baraatiko iyo casharo fasal ah, si loo soo saaro Dhalinyaro u carbiyeeysan shaqada,

Maamulaha Shirkada RIKAAB, Maxamed Abdullahi Maxamuud (Quulle ) oo ah shirkada bixin doonta shaqada Tababrka ka dib, ayaa u balan qaaday dhalinyarada ineey horey ka shaqo bilaabi doonaan, ka dib markii aay soo dhameeyaan Tababarka maanta la daah furey , waxaana uu u sheegey ineey gacmo furan kusoo dhaweyn doonaan, diyaarna ula yihiin shaqo joogto ah, waxaana uu kula dardaarmay ineey aad uga faaiideystaan Tababarka, si aay uga soo dhalaalaan shada aay qaban doonaan ee u adeegida macaamiisha. Maamulaha RIKAAB ayaa u sheegey dhalinyarada in laga doonayo marka aay shaqo galaan ineey la yimaadaan hab dhaqan fiican, daacadnimo, howlkarnimo iyo ineey si fiican ula macaamilaan macaamiisha aay u adeegi doonaan, maadaama shaqada aay ka shaqeyn doonaan aay lafdhabar u tahay hab dhaqanka fiican ee diinteena Islaamka na fartay.

Goobjoog News