U bood dhigaalka

Xafladda Daahfurka Istaraatiijiyada Maaraynta Kheyraadka Biyaha Oo Muqdisho Lagu Qabtay

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay xaflad lagu daahfurayo Istaraatijiyadda Maamulka Kheyraadka Biyaha oo ay goobjoog ka ahaayen Masuuliyiin ka socda Dowlada Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Hayadaha ku howlan arimaha Biyaha.

Xafladan daahfurka ayaa waxaa lagu soo bandhigay Istaraatiijiyadda Qaran ee Khayraadka Biyaha oo soo koobeysa hababka lagu horumarin doono maamulka biyaha iyo qorshayaasha ka dagsan sidii loo dhaqan gelin lahaa istraatijiyadan.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Mudane Xasan Cabdinur, ayaa ka dhawaajiyay muhiimada ay Dowlada Soomaliya u leedahay in la helo Istraatijiyad hagta Maamulka Kheyraadka Biyaha. “Muhiimadda dhaqaale iyo tan bulsho ay biyuhu u leeyahiin dadka Soomaaliyeed ayaa ah mid aan la soo koobi karin. Biyuhu waxey qeyb weyn ka yihiin horumarka dhaqaale iyo nabadaynta dalka, si loo horumariyo Biyaha waa in la xoojiyaa wadiiqooyinka maamul ee biyaha ee uu qayb ka yahay Qorshahahan Qaran ee lagu maamulayo Khayraadka Biyaha” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha.
Wasiirka ayaa wuxuu intaa ku daray in ay muhiim tahay dhisidda hay’ado heer federal, heer dawlad goboleed iyo heer deegan oo si wadajir ah uga wada shaqeeya sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka biyaha la xiriira,sidoo kalena loo horumarin lahaa ilaha biyaha.
Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka, Mudane Saciid Xuseen Ciid, ayaa wuxuu ka dhawaajiyay muhiimada ay leedahay in laga wada shaqeeyo horumarinta biyaha maadaama ay biyuhu lafdhabar u yihiin horumarinta wax soo saarka.

Wasiirku wuxuu intaa ku daray in istraatiijiyadan ay muhiim u tahay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka biyaha la xiriira oo saameyn ku yeeshay beeraleyda.
Istaraatiijiyadda Qaran ee Maareynta Kheyraadka Biyaha wuxuu saldhig u yahay taabba-galinta yoolalka horumarineed ee ku qeexan Qorshaha Horumarinta Qaran 2020-2024.

Istraatiijiyada waxay soo martay wadatashiyo badan oo mudo socday. Shirka farsamo ee 1aad oo looga arinsanayay Istiraatiijiyadda Qaran ee Maaraynta Khayraadka Biyaha ayaa Maarso 2020 ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaas oo faahfaahin ka baxshay baahiyaha loo qabo in si wadajir ah looga shaqeeyo horumarinta biyaha.

Waxaa la qabtay tiro latashiyo ah oo lala galay Wasaaradaha dawladda, deeq bixiyayaasha, howlwadeeno, khubaro, Hayado caalimi iyo kuwa maxaliga ah intaba, si loo qeexo arrimaha mudnaanta u leh hannaanka horumarinta kheyraadka qaran ee biyaha.
Waxaa sidoo kale laga hirgeliyay xog ururin dhamaan maamul goboleedyadda dalka si loo qeexo mabaadii’da iyo yoolalka lagu salayn karo qaab dhismeedka horumarineed ee biyaha.
Shirka wadatashi ee 2aad ayaa ka qabsoomay Magaalada Muqadishu bishii October kaas oo hiigsanayay in laga gaaro is-afgarad yoolalka istraatijiyada kuwaas oo ugu dambeyn lagu ansixiye bilowgi sanadkan shir ay asugu yimaadan dhamaan wasaaradaha ay quseyso istaraatijiyadan, wasaaradaha heer dowlad goboleed iyo daneeyayaal ka kala socday hayado maxali iyo kuwo calami ba ah.
Aragtida istraatiijiyadan ayaa ah:
“in la Helo biyo saamayn waarta leh, loona maareeyo qaab taabba galinaya midnimada dalka, kobaca iyo badqabka dhamaan bulshada iyo deegaanka intaba”
Istraatijiyada waxaa hagayo 4 yool oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah:

Kor u qaadidda dawrka biyuhu ku leeyhiin midnimada, kobaca iyo badqabka bulshada.

Xoojinta hannaanka maaraynta buuxda ee khayraadka biyaha.

Dhisidda adkaysi ka dhan ah musiibooyinka iyadoo loo marayo taabba galinta horumar waara.
Xaqiijinta in si siman loo helo biyaha, sare loo qaado wax soo saarka, iyo in la helo adeeg bixin waarta dhanka biyaha.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Maxamuud Kaarshe, ayaa waxaa uu ka dhawaajiyay in ay muhiim tahay in fulinta Istraatijiyadan xooga lagu saaro sidii lagu heli lahaa macluumaad dhameystiran oo hagta dhamaan mashaariicda horumarinta ilaha biyaha.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Xuseen, ayaa wuxuu ka dhawaajiyay in Istraatiijiyada Maamulka Kheyraadka Biyaha ee Heer Qaran ay gacan ka geysan doonto sidii xal waara loogu heli lahaa biya yarida ka jirto deegaanada Jubbaland.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Mudane Abdirisaaq Maxamed, ayaa wuxuu ka hadlay tubta hirgelinta Istraatiijiyada kaas oo qeexaya sidii looga miro dhalin lahaa yoolalka istaraatiijiyada. Wuxuu kaloo soo bandhigay mashaaric saldhig u noqonayo hirgelinta istaraatiijiyadan oo ka kooban sedex iyo toban mashruuc, kuwaas oo gogoldhig u noqonayo taabagelinta qorshayaasha ku xusan istaraatiijiyadan.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Marwo Shukri Maxamuud afrax, ayaa gunaanadkii xafalada sheegtay in muhiimada istraatijiadan ay tahay in umadda Soomaliyeed ay helaan biyo ku filan oo nadiif ah.

Wasiirada ayaa waxay u mahadcelisay dhamaan ka qeybgalayaasha xafladan, sidoo kalena waxey ku baraarujisay in laga wada

shaqeeyo hirgelinta istaraatiijiyadan si wadajir ah.

**** Dhamaad****