U bood dhigaalka

Xal Laga Gaaray Khilaafkii Rooble iyo Somaliland

Sheeko:Amniga

Waxaa xal laga gaaray khilaaf dhanka doorashooyinka ah oo muddooyinkii la soo dhaafsy u dhaxeeyay ra’iisul wasaaraha dalka iyo xubna ka tirsan mas’uuliyiinta aqalka sare.

Kulan ay maanta isugu yimaadeen Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiye ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed,  Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala iyo  Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo isku dhinac ah ayaa kulan la qaatay Cabdi Xaashi Cabdillahi Gudoomiyaha Aqalka Sare, kulankaas oo xal looga gaaray dhamaan tabashooyinkii ay doorashada ka qabeen wakiilada gobalada waqooyi qaar kamid ah.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo uu dhammeeyay madmadowgii soo kala dhex galay, iyadoo la isku afgartay in ay si wada jir ah Ra’iisul Wasaaraha ugala shaqeeyaan dhammeystirka doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Somaliland,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska Rooble.

Cabdi Xaashi iyo siyaasiyiin uu hor kacayo ayaa todobaadki hore sheegay in ay isgaa baxeen doorashada dalka kadib fara gelin ay sheegeen in uu ku sameyay xafiiska ra’iisul wasaaraha dalka Maxamed Xuseen Rooble.

Goobjoog News