U bood dhigaalka

Xalane oo aan La Xaadirin

Sheeko:Amniga

Ilo ku dhow shirkii madaxda dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada ee la filayey in maanta dib la isugu laabto ee Afisyooni ayaa sheegaya in aaney muuqan rajo arrimahaas la xiriira.

Shirka  oo dowladda federaalka ah ay dhankeeda ka baxday, dowlad goboleedyada sida Puntland iyo Jubbaland ay inkireen, beesha caalamka ay dalbatay in lagu laabto ayaa la ogeyn sida ay wax noqon doonaan.

Maamulka Farmaajo ayaa sheegay in shirka uu u burburay kadib markii sida uu sheegay Puntland iyo Jubbaland ay noqdeen jir iyo jiho diideyaal.

Labada maamul ayaa dhankooda sheegay in aaney jirin shir burburay, ayna diyaar u yihiin iney sii wadaan shirka iyo wada hadallada doorashada.

Beesha caalamka ayaa dhinacyada kala duwan ugu baaqday iney dib ugu laabtaan miiska wada hadalka, oo la ambaqaado heshiiskii September 17.

Goobjoog News