U bood dhigaalka

Xaliimo Yareey iyo Beesha Caalamka oo Ka Wada Hadlay Diyaar garowga Doorashada 2020-ka

Sheeko:Amniga

Guddiga Madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka, Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Deeq Bixiyayaasha Caalamka ayaa maanta ku dhexmaray magaalada Muqdisho kulan xog is waydaarsi oo ku saabsan hawlaha la xariiro doorashooyinka 2020.

Guddoomiyaha guddiga marwa Xalima Ismaaciil Yareey ayaa shirka ka sheegtay hawlaha doorashada la xariira iyo wixii guddiga uu ka qabtay.

Guddoomiye Xaliimo ayaa soo qaadatay  warbixin ay siisay golaha ammaanka November 21, 2019 oo ku saabsanaa doorashada 2020-ka iyada oo intaas raacisay in ilaa hadda ay guddigooda si KMG ah u diiwaangeliyeen ilaa 63 xisbi.

Waxaa kale oo ay goobta ka sheegtay kulan ay la qaateen golaha shacabka ee barlamaanka federaalka Soomaaliya kaas oo ay guddiga la wadageen barlamaanka, qorshaha guddiga ee ku aadan qabsoomidda doorashada soo socoto iyo hawlaha la xiriiray diyaar garowga giddiga u soo qabsoomay muddaadii la soo dhafay sida in guddiga xafiisya ka furtay dowlad- goboleedyada.

Guddoomiyaha guddiga Madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka waxaa ay soo qaadatay dhowr madal oo ay u qabteen haweenka iyo ka qeybgalka siyaasadda oo ka dhacday Koonfur galbeed iyo Galmudug, siminaarro iyo shirar ay ka qeyb galeen sida African  EMB and Arab EMB.

Guddoomiyaha waxaa ay ka hadashay in hadda lagu jiro xaalad kala guur ah oo la diyaarinayo doorashooyinka 2020-ka iyo rajeyneysa in golaha shacabka uu soo dadajiyo Shariciga Doorashada.

Beesha Caalamka iyo QM ayaa ballan qaaday in ay guddiga la garab taaganyihiin taageero si uu hawlahiisa u qabsado dalkana kaga dhacdo doorasho qof iyo cod.

Ugu dambeyntii, Gudoomiyaha guddiga marwa Xalima Ismaaciil Yareey waxaa ay beesha caalamka uga mahadcelisay taageerada ay la garab taagan yihiin guddiga iyo maalgelintooda ku aadan doorashada qof iyo codka ah ee 2020-ka.