U bood dhigaalka

Xaliimo Yarey “Guddigeenna Iyo Kan Madaxweynaha Magacaabay Ee Doorashada Shaqo Iskuma Lahan”

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka Xaliima Ibraahim Ismaaciil (Xaliima Yarey) ayaa sheegtay in guddiga uu dhowaan magacaabay madaxweynaha aysan wax shaqo ah isku lahayn guddiga ay iyadu guddoomiyaha u tahay.

Xaliima oo wareysi siisay Goobjoog News ayaa sheegtay in guddiga madaxa bannaan ay shaqadooda tahay sidii ay u diyaarin lahaayeen doorashooyin xor ah sanadka 2020-ka.

Waxay sheegtay in guddigani madaxweyne Xasan Sheekh magacaabay ay shaqadooda tahay sidii ay u diyaarin lahaayeen doorashooyinka dadban ee sanadkani dhacaya oo ku saleysan qabaa’ilka.

“Guddigeenna waxaa la yiraahdaa guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka, midka hadda la magacaabay waxaa la yiraahdaa guddiga doorashooyinka dadban ee 2016-ka, wax isku shaqo ah iyo isku dariiq ah malahan, waa guddiga kasoo dhashay madashii la sameeyay, kadibna hoggaamiyayaasha ay soo magacaabeen, waa guddig ku shaqo leh doorashadan 4.5 ta ah, aad baan u kala duwannahay annaga waxaan nahay guddiga doorashada ee diyaaranaya in 2020 la gaaro doorasho Hal qof iyo Hal coda ah, dariiqi lagu gaari lahaa ayaan diyaarinaynaa taas ayaana ku shaqeynaynaa” ayeey tiri Xaliimo Yarey.

Sidoo kale Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka ayaa sheegtay in shaqada ay hayaan baarlamaan u xil saaray oo doorasho ay kusoo baxeen, ayna haystaan muddo 6 sano ah ayna gabogabo u tahay Hal Sano.

“Annaga doorasho ayaan ku nimid baarlamaan baa inoo xil saaray, 6-sano ayaan haysannaa, horay waan u sheegnay haddana waan u sheegaynaa guddiga doorashada ee hadda la magacaabay waa mid madasha ka dhashay oo doorashadan 2016-ka oo kaliya ka shaqeynaya, annaga baarlamaanka ayaa muddo nasiiyey waxaanna nahay guddiga doorashooyinka qaranka”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan xeer ku magacaabay guddiga doorashooyinka oo ka kooban 22-xubnood kuwaasi oo isku duwi doona doorashada la filayo in sanadkan ay ka dhacdo dalka.

Goobjoog News