U bood dhigaalka

Xarakada Al-shabaab Oo Dumisay Buundooyinka Qoryooley Iyo Janaale

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Qoryooley iyo deegaanka Janaale ee gobalka Shabellaha Hoose, ayaa sheegaya in Xarakada Al-shabaab ay dumiyeen Buundooyinkii halkaasi ku yaallay.

Gaari Dameer la sheegay in lagu soo raray Walaxaha Qarxa, islamarkaana siday Qudaar ayaa ku qarxay dhusha Buundada Qoryooley, waxaana halkasi ku dhintay Ninkii waday Dameerka, sidoo kalena waxaa Duntay Buundadii.

Maxamed Xaaji oo ah gudoomiyaha degmada Qoryooley oo u waramay Goor dhaw Goobjoog News, waxa uu sheegay in hadda degmadooda ay go’doon tahay, halkii waddo ee la isticmaalayayna ahayd Buundada, balse ay jarantay.

“Gaari Dameer ayaa lagu soo raray walxaha Qarxa, markii Buundada uu marayo ayaa la qarxiyay, ninkii Dameerka wadayna wuu dhintay, mana ogin in isaga uu waxaasi ka dambeeyay ama lagu soo siray” ayuu yiri gudoomiyaha Qoryooley.

Dhanka kale Xarakada Al-shabaab ayaa dumisay Buundada deegaanka Janaale oo saaka weerar ay ku qaadeen fariisin ciidamada AMISOM ku lahaayeen deegaankaasi.

Waxaa la sheegay in Buunadadaasi  ay ku xireen Walxaha qarxa, sidaasina lagu dumiyay, iyadoo weli xaaladda deegaanka Janaale ay aad u kacsan tahay.

Goobjooog News