Xarakada Al-shabaab oo war ka soo saartay weerarkii xalay lagu qaaday madaxtooyada Soomaaliya

0441Xarakada Al-shabaab ayaa ka hadashay weerarkii xalay lagu qaaday madaxtooyada Soomaaliya, kaasoo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac. Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaas oo sababay dhimashada afar qof.

Afhayeenka xarakada Al-shabaab ee dhanka howlgallada Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa mar uu ka hadlayay weerarkii madaxtooyada Soomaaliya wuxuu sheegay inay ka gun gaareen hadafkii ay ka lahaayeen weerarkooda.

Waxa uu tilmaamay isagoo la hadlayay wakaaladda wararka ee AFP in madaxweynaha uu u cararay xarunta Xalane oo ah fariisinka ugu weyn ee ciidamada nabad ilaalinta ah ee AMISOM.

“Ciidamadeennu waxay qabsadeen dhismayaal muhiim ah oo ay dowladda ku leedahay madaxtooyada Soomaaliya, waxaana jira in la beegsaday guriga Ra’iisal wasaaraha” sidaas waxaa sheegay Abuu Muscab.

Waxaa kaloo Afhayeenka xarakada Al-shabaab uu sheegay inay xoojin doonaan weerarada ay ka geysanayaan magaalada Muqdisho gaar ahaan xumaraha madaxtooyada isagoo ku nuux-nuuxsaday inaysan jirin cid ka hortaagan.

Dhanka kale dowladda ayaa sheegtay in Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Alpha Group, ay toogasho ku dileen raggii shabaabka ka tirsanaa ee weerarka soo qaaday.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay sheegay inay been abuur tahay wararka sheegaya inuu ka cararay madaxtooyada oo uu gurigiisa ku sugan yahay.

Wararka Goobjoog news

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW