Al-shabaab oo xaqiijisay geerida hogaamiyahoodii xilli ay hogaan cusub ku dhawaaqeen

Xarakada Al-shabaab ayaa markii ugu horeysay si rasmi ah u xaqiijisay geerida hogaamiyahoodii oo ay maraykanku sheegeen in ay duqeyn ku dileen isniintii la soo dhaafay.

Al-shabaab ayaa xilkii uu baneeyay hogaamiyahoodii hore u magacaabay hogaamiye cusub oo lagu magacaabo Axmed Cumar Abuu-Cubeyda sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xarakada Al-shabaab.

Warka warbaahinta Shabaab baahiyeen ayaa lagu sheegay bayaan ku qoran luqadaha Ingiriiska iyo Carabiga.
Qoraalka ayaa lagu sheegay in hogaamiyihii xarakada ay la geeriyodeen labo sarkaal oo la socday kuwaas oo aan la sheegin magacyadooda sida ay u sheegeen Teleefishinka Al-Jazeera.

Diyaaradaha Maraykanka ee aan duuliyaha lahayn ayaa isniintii la soo dhaafay duqeeyay deegaan ku dhow degmada Baraawe oo ah xarunta ugu weyn ee ay xarakada Al-shabaab ku leeyihiin gobolka Shabeellada hoose.

Hoggaamiyaha cusub ee xarakada Al-shabaab, Axmed Cumar Abuu-Cubeyda ayaan horay loo maqlin, iyaga oo warbixintooda ku sheegay in mas’uulkan cusub uu hoggaamin doono howlgalladooda.

Related Articles

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW