U bood dhigaalka

Xariiri: Ma Aqbali Karno Go’aamada Xisbullahi Ee Ka Dhanka Ah Dalalka Walaalaha Ah

Sheeko:Dalka

Ra’iisulwasaaraha Lebanon Sacad Al Xariiri ayaa sheegay inuusan aqbali doonin go’aamada ururka Xisbullahi ee taabanaya ama saameynaya amniga dowladaha carbeed.

Bayaanka uu soo saaray Xariiri ma uusan ku cadeynin dowladaha uu ula jeedo in Xisbullahi faraha kala baxayaan amnigooda.

Ra’iisulwasaare Xariiri ayaa ku dhawaaqay is casilaadiisa 4 November isaga oo ku sugan magaalada Riyaadh ee dalka Sacuudiga, waxaana cirka isku shareeray xiisadda ka dhexdhalatay Iran iyo Sacuudiga.

Xisbullahi waxaa uu xiriir soke la leeyahay Iran, waxaa uu ka dagaallamaa Suuriya, waxaa uu dhanka kale neceb yahay Sacuudiga.

Goobjoog News