U bood dhigaalka

Xarumaha Dhaqan Celinta iyo Qur’aan Saarka Muqdisho oo Amarro La Dul Dhigay.

Sheeko:Amniga

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay amarro ku aadan xarumaha lagu dhaqan celiyo iyo kuwa qur’aan saarka ee ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana ay sheegtay in aysan waafasaneen Sharciga.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ee gobalka Banaadir Abshir Cumar C/llaahi oo shir jaraaid ku qabatay Muqdisho ayaa sheegay in maxkamadda ay soo gaareen dacwooyin ka dhan ah xarumahaasi, waxaana uu sheegay in qaarkood ay yihiin kuwo xabsi u eg ciddii dhib uu ka soo gaaro ama ku dhimataa in mas’uuliyadiisa ay qaadaneyso xaruntaasi.

“ Xarun Xabsi u eg ma ka furnaan karto magaalada Muqdisho shaqadeena waaye , ma ka aamusi karno, Maxkamadda Racfaanka Xabsi wax ku saabsan oo dadka lagu heyn karo sharciga ayaa tilmaamaayo, Sharciga meel uusan tilmaamin cidna qof ku heyn karo malahan haddii uu ku dhintana mas’uuliyaddiisana isaga ayaa qaayo ayuu yiri guddoomiye Abshir Cadullaahi Cumar”

Sidoo kale guddoomiyaha Maxkamadda oo hadalkiisa siiwato ayaa sheegay in haddii ay yihiin xarumo caadi ah oo qur’aanka lagu barto ama xanaanada, iyo dhaqan celinta loo baahan yahay in ay soo cadeeyaan waxa ay qabtaan waxaana uu yiri.

“Haddii ay arrimo kale ay qabanaayaan oo madaraso camal ay tahay ha yimaadaan oo ha cadeeyaan waxa ay qabtaan iyo shaqadoda, dadka ku jira waa loo tagi doonaa waana la soo koontarooli donaa waana la soo fiirin doonaa waxaana rabnaa in hey’adaha amniga iyo Booliska ay arrintaas ay isha ku haayaan”

Dhanka kale Abshir Cabdullaahi Cumar guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka ayaa xusay in Maxkamadda horay loo soo gaarsiiyey kiisas ku aadan xurumaha lagu qur’aan saaro dadka kaas oo la xariiray ruux ku geeriyooday xaruntaas.

“Waxaa maxkamadda hadda soo maray intaan anigu joogo kiis qur’aan saar ah oo qof uu ku dhintay, qofka in la garaaco ilaa heer uu ka dhinto uu gaaro waa wax ka baxsan qaanuunka ma yeeli doono waxyaabaha sharciga ka baxsan in la sameeyo, haddii ay jiraan xarumaah qu’aan saarka anaga oo la kaasaneyno wasaaradda Owqaafta maadaama qu’aanka ay ka shaqeynayaan waa in ayagana ay yimaadaan oo ay soo cadeeyaan shaqadooa ayuu yiri”

Dhinaca kale guddomiye Abshri Cabdullaahi ayaa xusay in ubadda la caadiyo iyo garaacista laguna qasbo xarumaha uu keeno isku dhac waalidka iyo ubadka ah waxaana uu ugu baaqay in waalidiintu ay ka waantoobaan arrintaas una hoggaansamaan sharciga .

“ Arrintaas xabsiyada u eg waxaa uu keenaa isku dhax ka dhex dhasha ubadka iyo waalidka markii xaaladdu xumaatana loo saariyo dowladda Soomaaliya oo la dhaho ayada ayaa caruurtii naga lumisay waxaasi oo dhanna waxaa looga bixi karaa in waalidiintu ay raacaan sharciga”.

Ugu dambeyn guddoomiyaha Maxkamadda Racaanka gobalka Banaadir Abshir Cabdullaahi Cumar ayaa cadeeyey in waalidka looga baahan yahay markii ubadka ay u maaro waayaan in ay ku soo wareejiyaan ciidamada Asluubta oo loogu talo galay xanaaneynta iyo barbaarinta ubadka Soomaaliyeed.

“Cunugaaga markii aad u maaro weyso Maxkamado degmo ayaa furan geey waa la tarabiyeeynaa Iskuul ayaa ka furan xabsiga dhexe waxbaa loo sheegaa lix bilood markii uu waano qaato soo cesho Iskuulkaaga geyso, meel furan uu ku ciyaari karo qur’aan uu ku baran karo, Masaajidkii lagu tukanaayey leh, oo cuntadooda leh, warshad wax soo saar leh ayuu ciidanka Asluubta leeyahay marka looma baahno in fillo inta wax lagu qorto in qofka Beya’dii uuku noolaan lahaa laga qariyo.”

Goobjoog News