U bood dhigaalka

Xarumaha Lagu Iibiyo Qalabka Dhismaha Oo Kusoo Badanaya Degmada Dhuusamareeb

Sheeko:Dalka

Magaalada Dhuusamareeb Ee Gobalka Galgaduud waxaa kusoo badanayay maalmihii ugu dambeeyay xarumaha lagu iibiyo Qalabka dhismaha, ka dib, dib u dhis ka billawday magaaladaasi.

Waxaa lagu iibiyaa xarumahaan dhammaan agabka dhismaha, iyadoo maalinba maalinta ka dambeysa laga furayo degmada Dhuusamareeb xarumo hor leh oo cusub.

Wariyaha Goobjoog News ee magaalada Dhuusamareeb Maxamed Cabdi Tooxow ayaa maanta mar uu kormeer ku tagay xarumahaan cusub ee lagu iibiyo qalabka dhismaha waxa uu la kulmay qaar ka mid ah Milkiilayaasha oo sheegay in dadka ay hadda aad wax u iibsanayaan, maadaama magaalada dib u dhis uu ka socdo.

“Ganacsiga aan meeshaan ku hayno wuu wanaagsan yahay, waa nalaga gataa qalabka dhismaha, waxaan iibinnaa, Laamiyeeri (Jiingad) Alwaax, Shamiinto, Masaamiir,Sakatuur iyo qalab badan oo wax lagu dhiso, dadkana wax wey naga gataan” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah milkiilayaasha xarumaha lagu iibiyo qalabka dhismaha ee degmada Dhuusamareeb.

Wixii ka dambeeyay markii la shaaciyay in degmada Dhuusamareeb ay tahay xarunta maamulka Galmudug, waxaa soo kordhayay dib u dhiska ka socda magaaladaasi, inkastoo hadda ay maamulaan Ahlu-sunna oo kasoo horjeedda Galmudug.

Goobjoog News