U bood dhigaalka

Burbur Ka Muuqda Xarumahii Dowladda Ee Degmada Hobyo (Sawirro)

Magaalada Hobyo oo ah magaalo taariikhi ah, islamarkaasina soo jirtey muddo qarniyo ah , kana mid ah magaalooyinkii ugu horeeyey oo degnimo qaatay Soomaaliya ayaa waxaa xarumo ku lahaa dhamaan laamaha dowladda.

Kadib muddo 20 sano oo dagaalo iyo dhibaatooyin kooxaha burcad badeeda ay keeneen ayaa waxaa uu burbur xooggan ka muuqdaa inta badan xarumihii dowladda ee Hobyo, inkasta oo qaar yar oo ka mid ah dayactir lagu sameeyey.

Halkani waa saldhiggii Booliiska Hobyo, waxaa kaliya ee ka haray waa gidaaradaas aad aragtaan , waxaadna kaliya ku garan kartaa astaamaha booliska ee sii baaba’aya ee darbiyada kasii muuqda.

40 39
37 36

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Sidoo kale halkani waa xaruntii dhirta iyo daaqa, sida aad arki kartaane wali waa mid xaaladeedu ay hagaagsantahay, gudaheeda waxaa ku yaala geedo waaweyn oo ahaa kuwii ay wakaaladda dhirta iyo daaqa beertey.

 

28

22 21 20 19

Halkani waa musawicii ama munaaraddii leerka ku rakibnaa ee ay maraakiibta iyo doomaha soo bidhaan raaci jireen marka ay kusoo xiranayaan dekada hobyo, maanta waxaa kaliya taagan dhagixii taalada ahaa, balse leerkii weynaa ee wareegan jirey waa uu ka maqanyahay meesha.

 

8

6

Hase yeeshee waxaa jira xarumo dib loo dayactirey sida xaruntii ciidamada mariineeska oo hadda ay degenyihiin ciidamadda badda ee Galmudug, gurigii golaha deegaanka iyo waliba gurigii guddoomiyaha gobolka.

18 16 15 14 13 12 7 5 4 3 2 1

Meelaha ay Goobjoog booqatay waxaa ka mid ahaa iskuulkii magaalada, kaasi oo xiligaasi xiisadihii laaga baxay, waa iskuul yar, balse astaan waxa uu u yahay in waxbarasho asaasi ah ay ka jirto degmada.

34 33 32 31 30 29

Magaalada Hobyo oo leh xeebo dhaadheer oo nadiif ah, kuna wanaagsan dalxiiska ayaa waxaa durba xeebaha laga dhisey illaa labo hotel oo casri ah oo laakiin aanan wali hawlgalin, waxaana ka mid ah kana ad aragtaan , tanina waxa ay ka mid tahay waxyaabaha dib usoo nooleynaya rajada magaalada.

 

Goobjoog News