U bood dhigaalka

Xarunta Ciidanka Asluubta Ee Muqdisho Oo Dib Loo Howlgeliyey

Sheeko:Dalka

Wasiirka wasaaradda cadaaladda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji iyo taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliyeed Xuseen Xasan Cismaan ayaa maanta waxay si wadajir ah xarigga uga jareen xarunta ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee Ex-control Afgooye, taasi oo dib loo howlgeliyey.

Xaruntaan oo burbursaneyd tan iyo dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay ayaa lagu guuleystay in dib loo dhiso, waxaana si toos ah ugu shaqeyn doono ciidanka Asluubta.

Wasiir Xasan Xuseen ayaa sheegay in guul muhiim ah ay tahay dib u howlgelinta xaruntaan, isaga oo taliska ciidanka asluubta Soomaaliyeed ku amaanay sida ay uga shaqeeyeen dib u howlgelinta xaruntaan.

Dhana kale, taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Xuseen Xasan ayaa isna dhankiisa sheegay in xaruntaan ay noqon doonto midda ugu weyn ee ay ku shaqeeyaan ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dedaaleysa dib u howlglinta xarumaha muhiimka ah ee ciidamada iyo sidoo kale wasaaradaha.

Goobjoog News