U bood dhigaalka

Xarunta Iskaashatada Gaadiidka oo La Dhagax Dhigay iyo Guddoomiyaha Gobolka oo Balan Qaaaday Dhismayaasha Goobaha Burbursan

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha gobalka Banaadir ayaa maanta dhagax dhigay xarunta Iskaashatada gaadiidka oo dhammaanteed ku burburtay qaraxii hotelka SYL.

Guddoomiyaha gobalka Banaadir Yuusuf Jimcaale, ku xigeennadiisa iyo guddiga iskaashatada gaadiidka gobalka Banaadir ayaa ka qeyb galay dhagax dhigga xarunta iskaashatada oo dib loo dhisayo.

Guddoomiyaha wuxuu sheegay in Iskaashatada oo kaliya aan la dejin doonin halka la dhagax dhigay oo ah meeshii ay deganaayeen oo sidoo kale laga furi doono goobo dadka ay isugu yimaadaan.

Guddoomiye Jimcaale oo goobta ka hadlay ayaa sheegay shacabka ku booriyay in dalkooda ay dhistaan “Biyo sacabaada ayaa looga dhargaa” ayaa ka mid ahaa Yuusuf Jimcaale hadaladiisa.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir waxaa uu balan qaaday in la dhisayo goobaha ay waxyeelada ku soo gaartay qaraxii dhawaan ka dhacay SYL.

Goobjoog News