U bood dhigaalka

Xarunta Maamulka Gobalka Hiiraan Ee B/weyne Oo Dib u Habeyn Lagu Sameeyay

Sheeko:Dalka

Waxaa dib u habeyn lagu sameeyay xarunta maamulka gobalka Hiiraan ee magaalada Baladweyne, halkaasi oo maalmihii ugu dambeeyay dayactir lagu waday.

Munaasabadda lagu furayay xaruntaan ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiinta maamulka Gobalka Hiiraan, saraakiil ka socotay ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM.

Maxamed Cismaan Macallin Cabdi Qallaafow oo ah gudoomiyaha magaalada Baladweyne ayaa kusoo dhaweeyay gudoomiyaha Hiiraan xafiiskiisa cusub iyo sidoo kale guud ahaan xaruntaan dib u habeynta lagu sameeyay.

“Gudoomiye waxaan ku leenahay kusoo dhawoow xafiiskaagii, adiga ayaa nasiib u yeeshay maadaama halkaan dib u dhis lagu waday, shacabka reer Hiiraan waxaan leenahay wixii maanta ka dambeeyay shaqooyinka aad ka rabtaan gudoomiyaha waa diyaar” ayuu yiri gudoomiyaha Baladweyne.

Dhinaca kale gudoomiyaha cusub ee maamulka gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo halkaasi ka hadlay ayaa ballan qaaday in shacabka si cadaalad ah ugu shaqeyn doonaan, islamarkaana uu dib boorka looga jafi doono dhammaan xarumo maamulka gobalka Hiiraan.

Goobjoog News