U bood dhigaalka

Xarunta Wacyigelinta Iyo Hanuuninta Dadweynaha Oo Dib Looga Howlgeliyey Muqdisho

Sheeko:Dalka

Muddo 25-sano ah kadib, waxaa maanta magaalada Muqdisho dib looga howlgeliyey xarunta wacyigelinta iyo Hanuuninta dadweynaha oo ku burburtay dagaalladii sokeeyey ee dalka ka dhacay.

Munaasabadda dib u howlgelinta xaruntaan ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirka wasaaradda warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Marwada Madaxweynaha Qamar Cali Cumar iyo mas’uuliyiin dhowr ah.

Wasiir Maareeye oo munaasabaddaasi hadal ka jeediyey ayaa ugu horrey n u mahadceliyey Marwo Qamar oo kaalin ka qaadatey dib u howlgelinta xaruntan.

Waxa uu sheegay wasiirka in dib u howlgelintan xaruntan ay leedahay muhiimad aad u ballaaran, islamarkaana hobollada Waaberi ay xilligan dadka ku maaweelin karaan.

“25 sano kadib in hobollada Waaberi helaan meel ay fadhiistaan waa arrin muhiim ah, meeshaan waa Hanuuninta Dadweynaha, meeshaan waa meeshii ay ku shaqeyn jireen dadkii Arts-ka, waa meel aad u muhiim ah, Mama Qamar ayaa ballanqaadey in hobollada ay helaan meel ay fariistaan sidaan oo  kale, Hoboladii halkaan ayeey isugu imaankaraan dadka ku maaweelin karaan, inta hartayna waa innaga” ayuu yiri wasiir Maareeye.

Waxaa Jira goobo badan oo sidan oo kale ah, misane burbursan, waxay u baahan yihiin dib u habeyn, iyadoo madaxda dowladda iyo wasaaradahaba ay ballanqaadeyn iney xarumaha muhiimka ah dib u habeyn ku sameyn doonaan, balse weli inta badan dib looma habeyn, waxaana kamid ah meelaha aan la habeyn Tiyaatarka Qaranka.

Goobjoog News