U bood dhigaalka

Xarunta Wasaaradda hidaha iyo tacliinta sare Soomaaliya oo maanta dib loo howl geliyay

Sheeko:Dalka
Wasiirka diinta iyo owqaafta Soomaaliya, Ridwaan Xersi Maxamed
Wasiirka diinta iyo owqaafta Soomaaliya, Ridwaan Xersi Maxamed

Xubno ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa maanta ka qayb galay munaasabad xariga looga jarayay xarunta wasaarada hidaha iyo tacliinta sare.

Xubnaha ka socday xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa bogaadiyay howsha dib u furida wasaarada.

Wasiirka hidaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya Ducaale Aadan Maxamed ayaa sheegay in xaruntan waayadanba ay ku socotay dayactir isaga oo ka warbixiyay dadaalka ay u galeen sidii ay dib ugu howl gali lahaayeen xarunta wasaarada oo burburkii kadib aan lagu shaqeyn.

Munaasabada waxaa ka soo qeyb galay xildhibanao, safiiro, bahda waxbarashada iyo ra’iisal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka awqaafta iyo diinta Ridwaan Xirsi Maxamed.

Mudane Ridwaan ayaa mahad naq ballaaran u jedydiyay howl wadeenada wasaarada isaga oo ku tilmaamay guul u soo hoyotay dad waynaha dowladda Sooomaaliyeed.