U bood dhigaalka

Xasan oo Afwerki kala Hadlaya Askar Tababar Loogu Qaaday Eretria

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu soo dhaweyay magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eretria.

Xasan Sheekh iyo wafdigiisa ayaa waxaa ku soo dhaweyay garoonka diyaaradaha magaalada Asmara, dhiggiisa Eretria Isaias Afwerki.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah oo afar maalmood qaadanaysa ku tegay dalka Ereteriya, isaga oo wada-hadallo labo-geesood ah oo ku aaddan xiriirka iyo iskaashiga labada dal la yeellan doona dhiggiisa dalkaas.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud, ayaa lagu wadaa inta uu ku sugan yahay Asmara in uu kala hadli doono ajendayaal ay kamid yihiin askar Soomaaliyeed oo dowladdii hore ay tababar ugu qaadday dalka Eretria.