Xasan Ruuxaani Oo Ku Guuleystay Doorashada Iran

Madaxweynihii hore ee Iran Xasan Ruuxaani ayaa mar Labaad ku guuleystay doorashooyinkii ka dhacay dalkaasi.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Iran Cabdi Ridaa ayaa sheegay in Xasan Ruuxaani uu ku guuleystay codad dhan 23.5 Milyan oo u dhiganta boqolkiiba 50%, halka uu helay ninka la tartamayay codad dhan 15.7 Milyan oo u dhiganta boqolkiiba 38.5%.

Tirada cod bixiyaasha ayaa waxay gaarayeen 41.2 milyan taasi oo ah codad aad u farabadan oo aan la fileyn.

Ilaa iyo hadda war kama soo bixin madaxweynaha la doortay ee Ruuxaani balse waxaa lagu wadaa saacadaha soo socda in uu khudbad qaran jeediyo.

Dhanka kale Midowga Yurub ayaa ku tilmaamay guusha Ruuxaani inay tahay aragti shacab oo aad uweyn.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW