U bood dhigaalka

Xasan Sheekh, Cabdiweli Gaas, Cabdiraxmaan Faroole iyo Jeelle oo Ka Hadlay Arrimo La Xiriira Doorashada Dalka 2016-ka

Sheeko:Dalka

Waxaa Jimcadii lagu qabtay Boosaaso xaflad lafu furayey Airportiga Boosaaso, waxaa xafladaas ka hadlay Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Madaxweynaha Federaalka Xasan Sheekh, Maxaweynaha Puntland Cabdiweli Gaas, Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, Ra’isul wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi,  Cabdiweli Axmed iyo sidoo kale Salaad Cali Jeelle.

Ra’isul Wasaareyaasha Cali Geedi iyo Cabdiweli ayaa uga hambalyeeyay dowladda Puntland iyo shacbkeeda garoonka cusub Boosaaso, waxaa kaloo meesha ka hadlay Salaad Cali Jeelle oo isna hambalayada kadib dhaliil u jeediyay dowladda federaalka.

Jeelle ayaa sheegay in uu wax ka dhahayo hiigsiga 2016” Soomalaiya waxay ku ballantay 2012-kii in Somaaliya qof iyo codkii ay gaareyso, quraanka waxaa uu leeyahay ballanta hala oofiyo, lakin dowladdii waxaa ay ay tiri qof iyo codkiis dhici ma karaayo”

Salaad Jeelle ayaa ku kaftamay” haddii dowladeena ay dhiigga ku yaraado, hade shacabka Soomaaliyeed ayaa la rabaa in ay kululeyso ku duraan”

Dhinaca Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas oo ka hadlayey munaasabaas lagu furayo Airportiga Boosaaso ayaa ku celiyay in Soomaaliya aanay xal ugu jirin 4.5 iyo in Puntland ka go’an tahay in dalka ka dhacdo doorasho deegaan.

“Madaxweyne aniga waxba oran mayo, Puntland wey hadashay, rabitaan Cabdiweli ma aha, in laga guuro 4.5 oo loo guuro deegaan, waa rabitaanka shacbiga” ayaa hadalkiisa ka mid ahaa.

Gaas waxaa uu hadalkiisa ku daray“Sababata ay Puntland u taageereyso deegaan waxaa weeye, in dadka helaan mataalad shacbi oo dhab ah, sida ay suggaanta ku caibreena waa wixii xaqa ahaa, arrintan Puntland kaliya ma ahee, dad Soomaaliyeed oo deegaano kale degan ayaa nala qaba”.

Isagoo hadalkiisa ku soo gabagabeeyay“ Hadana Waxaa  ognyahay in kale Soomaali ah oo qaba fikirkaas fikir ka duwan, iyana waxaa dooneynaa dadaal iyo juhdi dheeraad ah in aanu ku qancino in hor-umarka iyo midnimada Soomaaliya ay jirto dhanka kale”

Waxaa isla fakirkaas ka hadlay Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo si kulul uga hadlay arrinta doorashada 2016-ka.

Faroole waxaa uu ugu horeyntii sheegay “Cabdiweli xukuumadiisa shacabka Puntland uga wakiil ah in 4.5 ay soo qataan, Maxaa yeelay shacabka ayaan ogleyn, Siyaasiyiinta ayaa ogleyn, saxiixayaasha ayaa ogoleyn, marka Xasab Sheekh iyo xukuumadiisa ha tanaasuleen”

Faroole ayaa waxaa uu ku dooday“Waxaan maqli jiray dad dhahaya 4.5 xaq ma aha, xagee ku qoran tahay wax aan xaq aheyn in ay xaq yihiin,  ilaahaybaa Xasan meeshaan keenya, Madaxweynaha dowladda Federaalka isagoo 4.5 ma jirto leh ayuu Xamar ka dagayaa, Federeshin qabaa’il ka koobmaa ma jiro, Fadereeshin waa degaan,

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ka hadlay xafladda furitaanka Airportiga Muqdisho isagoo farxad ku tilmaamay hor-umarka Puntland gaartay.

Xasan Sheekh oo khudbad dheer jeediyay waxaa hadaladiisa ka mid ahaa” waxaan rabaa in aan qirno maanta dalka Soomaaliya nidaamka federaalka dhaqan galkiisa waa loo wada istaagay, waa laga soo gudbay maalintii faraha la isku fiiqfiiqayey ee la lahaa hebelbaa federaalka diidan, reer hebelbaa diidan iyo deegaan hebel ayaa laga diidan yahay, dowladaha federaalka ka tirsana intooda badan waa qaabeysan yahay waana socdaa, wax badan ayaa ka dhiman”

“Maanta dadka waxaa ka hirgalay nidaamkii dad Soomalaiyeed ay doorteen ee Federaalka, dowladahaas federaalka qeybta ka ah ee maanta jira wax badan ayaa u dhiman, dhinaca sharciyadda, dhinaca amniga, dhinaca dhismaha hey’adaha dowliga ah wax badan ayaa u dhibam, dowlad xubin ka ah ama ka noqob doonto dowladda federaalka oo maanta dhulka sharciyan ay ku tilmaaman tahay gees ka gees gacanta ku wada hesyo ma jirto, lakin waa tilaabo tilaabo ku sii kordheysa…..waa la wada hadlayaa, waa lagu noq noqonayaa..marka dabana waa heshiineynaa”

“..Degenaashiyo, is dhagesi iyo qadarin ayaa u baahan nahay, deg degsiiyo iyo kululeysiyo dambe loo baahna, meesha aan maanta nimid waxaa ku nimid wada hadal, oo la isku buuqay, la isku soo noqday..lakin markii dambe wax ayaa ka soo baxayey, inaga dadkii shalay ayaan la mid nahay, Saxiibadii ayaa nahay, waa wada hadleynaa, waa ku noq noqoneynaa mar dambana  waxaa keeneynaa wixii maslaxadda ku jirto”

Goobjoog News