U bood dhigaalka

Xasan Sheekh Cali: Dhuusamareeb 3 Kama soo Bixin Natiijo Lagu Xallin Karo Doodii taagneyd

Sheeko:Amniga

Aqoonyahan Xasan Sheekh Cali ayaa sheegay in Farmaajo aanu Dhuusamareeb 3 kala soo noqon wixii uu rabay iyo dooddii uu la tagay.

Prof. Xasan oo la hadlayey Goobjoog News ayaa yiri “ In arinta taagan ay aheyd in maadxweyne Farmaajo iyo xulufadiisa ay ku adkeysanayeen in dalka doorasho qof iyo cod  ay ka qabanayaan iyaga oo ku doodaya in shirar ka kala dhacay  Baydhabo, London iyo meelo kale ay madxda maamul goboleeyadda iyo dowladda dhaxe ay ku hesheiyeen in la qabto doorasho qof iyo cod ah balse ay golaha shacabka ay  u shegeen madaxweynaha in ujeedadiisu ay sharci aheyn”

Xasan Sheekh Cali waxaa uu qabaa in Farmaajo uu sii wado sharci darro “ islamarkaana wali madaxweynaha uu ku sii socddo ujeedoyinkiisi sharci daradd ahaa  isl amarkaana wixii kasoo baxay shirka dhuusamareeb3 ay ka maqanyihiin maamuladda Puntland iyo Jubbaland oo ay tahay sharci darro kale uu sameeyay Farmaajo “.

Hadda, qoraalka lagu saxiixay Dhuusamareeb ayaa lagu wadaa in loo celiyo dowlad goboleedyada ka maqan si ay ugu daraan waxa ka dhiman, kadibna la horgeeyo baarlamaanka fedeaalka ah.

Goobjoog News