U bood dhigaalka

Xasan Sheekh  iyo Uhuru Kenyatta oo Ka Wada Hadlay Arimaha labada Dal iyo Gobolka.

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhigiisa Kenya Uhuru Kenyata kula kulamy Hoolka nasashada Madaxda ee Joma Kenyata International Airport iyagoo ka wada hadlay xiriirka labada, AMISOM iyo arimo gobolka oo labada dal quseeya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa kasoo laabtay safar dheer uu ku tagay dalka Naigeria isagoo halkaas kaga qeybgalay Caleemo saarka Madaxeweynaha cusub ee dalka Nageriya Muhammadu Buhari.

Dhinaca kale, Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata ayaa Tanzania u tagay ka qeyb galka shir degdeg ah oo madaxda gobolka ee EAC ay ka yeesheen xaaladda dalka Burundi iyadoo shirkaasi aan wax natiiho ah laga gaarin kadib markii uu ka baaqsaday Madaxweynaha Burnudi kasoo qeyb galkiisa.