U bood dhigaalka

Xasan Sheekh Iyo Uhuru Oo Mar Labaad Maanta Ku Kulmaya Nairobi

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta mar labaad lagu wadaa in ay ku kulmaan Naibori Madaxweynayaasha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Kenya Uhuru Kenyatta kadib markii kulankii shalay uu ku dhamaaday fashil iyo is afgarad la aan

Talaadadii Xasan iyo Uhuru waxaa ay kulan ku yeesheen aqalka madaxtooyada ee magaalada Nairobi iyagoo ka wada hadlay arrinta soo celinta qaxootiga, duulimaadyada xagga diyaaradaha iyo arrimo kale oo la xiriira ammaanka.

Kenya ayaa marar badan ku celcelisay in ay xireyso xerada Qaxootiga ee Dhadhaab halkaas oo la sheegay in ay ku jiraan ilaa 350,000 oo qaxooti Soomaaliyeed ah.

Dowladda Kenya waxaa ay ku doodeysaa in dhaqaale ahaa dadkan ay sanadkii ku baxo ilaa I Bilyan oo Dollar, culeyskaasina ay beesha caalamka ku fiirsato Kenya

Dowladda Soomaaliya waxaa ay Kenyaanka u sheegtay in la dhowro heshiis sadex geesood ah oo Soomaaliya, Kenya iyo UNHCR ah gaareen 2013kii kaas oo dhigaya in la soo celiyo dadka doonaya in dalkooda dib ugu laabtaan.