U bood dhigaalka

Xasan Sheekh Maxamuud ‘‘Kulankii Aan La Qaadanay Guddoonka Golaha Shacabka Ma Ahayn Mid Laga Lahaa Ujeedo Gaar ah”

Sheeko:Amniga

Madaxwaynihii Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faahfaafin ka bixiyay ujeedka kulan magaalada Muqdisho ay kula qaateen isaga Madaxweynihii Dowladdii ku-meel gaarka Shariif Sheekh Axmed Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in kulankaas ujeedkiisu ahaa is xog-wareysi  iyo kala warqaadasho xaalada siyaasadeed ee dalka.

Waxa uu sheegay Xasan Sheekh Maxamuud in shirkaas  uusan ahayn mid siyaasadeysan isla markaana aan loo fasiran mid laga lahaa ujeedo gaar ah.

“Ma jirin qorshe  gaar ah oo ay inoo keeneen Guddoonka Golaha shacabka , mana jirin qorshe kale oo  gaar ah oo Madasha Xisbiyada Qaran ay  dhiibtay  madaxda Golaha shacabka ” ayuu yiri Madaxweynihii hore Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri  “Mowqifka Madasha Xisbiyada Qaran waa mid cad waligiisana cadaa waa in doorashadu ay ku dhacdaa jawi degan oo wada ogol ah”

Mar uu ka  hadlayay wajiga seddaxaad ee shirka dhuusmareeb waxa uu sheegay Xasan Sheekh Maxamuud in muhiim ay tahay in ay ka qayb galaan madaxda Xisbiyada  iyo dadka  ay ka go’do siyaasadda dalka

Halkan Ka Daawo Xasan Sheekh Maxamuud Oo La Hadlay Warbaahinta 

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/939994843148546/

Goobjoog News