Xasan Sheekh “Madax Madow Baa Maan Ku Haray” (Dhageyso)

Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey dhallinyarada Soomaaliyeed iney ka shaqeeyaan aayaha dalka, islamarkaana yihiin kuwa dalka berry xukumi lahaa.

Waxa uu sheegay in maskaxda dhallinyarada ay tahay mid nadiif ah, islamarkaana dalka ku hoggaamin kara meel wanaagsan.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale u sheegay dhallinyarada in haddii aqoontooda iyo maskaxdooda nadiifka ah uga faa’ideeyaan dalka ay wax badan qaban karaan.

Dhanka kale, madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dalkan uu soo maray marxalado kala duwan welina dalka u baahan yahay in wax badan loo qabto.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW