U bood dhigaalka

Xasan Sheekh: Milkiilaha la Sheegayo Waa Fahad Yaasiin Nabad sugidda ayuu Booliiska ku kor dumiyey, Maantana Siyaasadda Ayuu Duminayaa

Sheeko:Amniga

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey madasha Talo-wadaag eek a baxayey Telefeshinka Goobjoog ayaa sheegay in Fahad Yaasiin oo hadda ah agaasimaha nabad sugidda uu yahay milkiilaha dowladda, isla markaana uu dumiyey hey’ado badan.

Xasan Sheekh oo arrintaasi ka hadlayey ayaa yiri “Maanta waxa taagan, milkiilaha la sheegayo waa la wada garanayaa, in aan idiin sheego Ayaan rabaa, nin aan saxiibo nahay, dadkanna ay yaqaaniin oo Fahad Yaasiin la yiraahdo waaye, Cali iyo Jaamac iyo Caasho kale miyaa jirta?!  …wax walba waxa ay leeyihiin in aan u bixinno Ayaan rabnaaye”.

Dhanka kale, madaxweyne Xasan waxaa uu sheegay inuu Fahad Yaasiin dumiyey hey’ado badan, maantana uu siyaasadda duminayo isaga oo yiri ““Fahad madaxtooyada ayuu agaasime ka noqday, waa la ogyahay wixii madaxtooyada ka dhacay markii uu agaasimaha ka ahaa, hey’adda nabadsugidda ayuu tagay, waa la ogyahay wixii nabadsugidda ka dhacay, waa uu kala diray nabad sugidda, waa uu dumiyey, duminta uu dumiyey iyada keligeed ma dumine ciidamada booliiska, nabad sugidda ayuu ku kor dumiyey, maantana siyaasadda waxa dumihooyo isaga waaye, waxaa la rabaa Soomaalida iney fahmaan, saxiibkey, wiilkeya disaster ayuu ka shaqeynayaa, hoos waan ugu sheegnay, caawana public Ayaan ugu sheegayaa, siyaasadda uu ciidamo xafiiskiisa ah doorashada ayey maamulayaan uu leeyahay, dumin siyaasadeed waaye, ..middan innaga ayaa diideyno”.

Mudane Xasan Sheekh, waxaa uu hadda ku jiraa 12 murashax madaxweyne oo shir maalintii 2aad ku leh Muqdisho si wax looga dhaho xaaladda dalka.

Goobjoog News