U bood dhigaalka

Xasan Sheekh Oo Baaq U Diray Shacabka Soomaaliyeed

Sheeko:Amniga
Madaxweyne Xasan oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa booqday kaamamka ku yaalo magaalada, isagoo ugu baaqay shacabka in ay gurmad bini’aadanimo u fidiyaan dadka abaartu saameysay.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in gurmad loo baahna yahay uu dhinac walbo ka bilawdo, si umadda abaarta ay saameynta ay u geysatay loogu gurmado.
“Dadka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waxaan ugu baaqayaa in dadka ay abaaruhu saameeyeen loo gurmado, wixii aan haysanno lala wadaago, garab-istaag iyo walaalnimana loo muujiyo. Sidoo kale in ubadka Soomaaliyeed ee xeryahan ku jira lala gaaro adeegyada bulshada ee asaasiga ah oo ay ku jiraan dhismaha goobihii ay wax ku baran lahaayeen.” ayuu yiri madaxweyne Xasan.