U bood dhigaalka

Xasan Sheekh oo Elyzee Palace kula kulmay François Hollande

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Faransiiska François Hollande  ayaa maanta xarunta Madaxtoooyada ee Faransiiska ee Elyzee Palace si diirran ugu soo dhoweeyay Madaxweynaha Xasan Shiikh Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Faransiiska

iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Farance, La dagaalanka waxa loogu yeero argagaxisada iyo bur-cad badeeka ayaa ahaa arimihii labada dhinac ka wada hadleen.

Xasan Sheikh ayaa maanta booqday safaaradda Soomaalida ee Paris, waxaa uu sidoo kale kusoo wareegay goobo badan oo Paris ah isagoo la kulmay ganacsato ka socda shirkado caalami ah  iyo shacab soomaali ah oo halkaas degen.

Waa booqashii ugu horeysay ee Xasan Sheekh uu tago France , tan iyo markii la doortay 2012-kii