U bood dhigaalka

Xasan Sheekh Oo Ku Baaqay In Si Deg Deg Ah Loo Joojiyo Dagaalka Guriceel

Sheeko:Amniga
Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu ku baaqay in la dajiyo xaaladda magaalada guriceel.
Xasan ayaa sheegay in loo baahan yahay in si degdeg ah loogu baahan yahay in la joojiyo dagaalka maalintii labaad ka socdo magaalada Guriceel.
BAAQ NABADEED: Xaaladda Galmudug
Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ehelada iyo qoysaskii ay ka baxeen dadkii ku geeriyooday dagaalka Guraceel, dhaawacyadana waxaan u rajeynayaa bogsasho degdeg ah.
Waxaan ku baaqayaa in si degdeg ah oo aan shuruud lahayn loo joojiyo dhiillada colaadeed ee taagan. Dagaalku ma xalliyo khilaafaadka siyaasadda ee waxa uu abuuraa kala fogaansho hor leh.
Odayaasha dhaqanka, Siyaasiyiinta, Ganacsatada, Haweenka dhallinyarada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada waa in ay qaataan kaalintooda ku aaddan deminta colaadda. Lama aqbali karo in dhiigga dhallinyaro Soomaaliyeed uu daadanayo, bulshada inteeda kalena daawato.
Kala aragti duwanaanshaha siyaasadda waa in lagu xalliyaa miiska wadahadalka, iyadoo la dhowrayo jiritaanka, sharciyadda iyo midnimada dowlad goboleedka Galamudug.
DHAMMAAD