U bood dhigaalka

Xasan Sheekh oo Kulama La Yeelanayo Madaxda Imaaradka

Sheeko:Amniga

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in maanta uu kulamo la qaato mas’uuliyiinta sar sare ee dowkadda Imaadka carabta, halkaas oo madaxweynaha safar lama maalin ah ku joogo.

Wafdi uu hoggaaminayo madaxwyenaha Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi, ee Iskutagga Imaaradka carabta, waxaana lagu wadaa in ay kawada hadlaan arrimaha dhowr ah.

Xasan Sheekh ayaa madaxda Imaaradka kala hadli doonna xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, fududeynta isu-socodka, ganacsiga iyo sare u qaadidda iskaashiga labada waddan.

Safar madaxweynaha ayaa noqonaya midkii ugu horeysay ee dalka dibaddiisa uu ugu baxay, isagoo madaxweynaha la filayo in bilaha soo socda uu aado dalal ay kamid yihiin Turkeye iyo Masar.

Goobjoog News