U bood dhigaalka

Xasan Sheekh Oo Markale Loo Doortay Madaxweynaha Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Waxaa goordhaw la soo gabagabeeyay doorashada madaxweynaha Soomaaliya, taas oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

Doorashadaan oo sanadkaan ay isku soo taageen 39 musharax, kuwaas oo buuxiyay shuruudihii looga baahnaa ayaa soo xaadiray dhamaan hoolka doorashada madaxweynaha.

Codaynta doorashada ayaa markii ay bilaabatay lagu kala bixi waayay wareeggii koowaad, iyadoo loo baahday wareeg kale in la aado.

Wareegga koowaad waxaa ka soo gudbay afar musharax oo kala ah :-

Saciid Cabdullahi Deni oo helay 65 cod .

Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo helay 59 cod .

Xasan Cali Kheyre oo helay 47 cod iyo

Xasan Sheekh Maxamuud oo helay 52 cod.

Markii loo gudbay wareegga labaad ee doorashada waxaa markale loo baahday in la aado wareeg kale, kadib markii la heliyay codadkii loogu talagalay in musharaxa uu ku guulaysto xilka ugu sareeyo dalka.

Wareeggii labaad ee doorashada ayaa waxaa afartii musharax ee u gudubtay kaliya waxaa ka soo baxay oo u gudbay wareegga xiga ee doorashada laba musharax.

Musharixiinta kala ah Xasan Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa gudbay wareegga saddexaad ee doorashada madaxweynaha.

Xasan Sheekh ayaa helay  214 cod, halka Musharax Farmaajo uu helay  110 Cod.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii labaad si rasmi ah loogu doortay in uu noqdo madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya.

Hadaba Waakuma Xasan Sheekh Maxamuud?

 

Xasan Sheekh waxa uu ku dhashay degmada jalalaqsi ee gobalka hiiraan sanadkii markii uu ahaa 1955-kii, shan sano ka hor xurnimada Soomaaliya.

Xasan ayaa waxa uu waxbarashadiisii aas-aasiga ahayd waxa uu ku soo qaatay deeganka uu ku dhashay, waxaana magaalada Muqdisho oo uu yimid uu ku dhameeyay waxbarashadiisii dugsiga sare iyo Jaamacadda.

Waxa uu ka qalanjabiyay jaamacadda sanadkii 1981-kii, isagoo bartay cilmiga Teknoolojiyadda.

Waxa uu wixii xilligaasi ka dambeeyay sii waday waxbarashada isagoo markale waxbarasha jaamacadeed u tagay dalka Hindiya.

Markii uu dib ugu soo laabtay dalka waxa uu ka shaqo bilaabay wasaaradda tacliinta, halkaas oo uu macalin jaamacadeed iyo mid iskuulaba ka noqday.

Xasan Sheekh oo tan iyo burburkii aan dalka ka bixin waxa uu qayb ka qaatay dhismaha Iskuullo waxbarasho iyo jaamacado fara badan, kuwaas oo uu macalinna ka noqday.

Shaqooyinkiisii ugu horreeyay waxaa ka mid ahaa inuu tababare ah ka noqday dugsiga farsamada ee Lafoole. Inta badan shaqooyinkiisa waxay ahaayeen wax baridda ama macalinnimada.

Bishii August ee sanadkii 2012-kii, Xasan waxa uu xubin ka noqday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo markaas la dhisay.

10-kii bishii September ee sanadkii 2012-kii, xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Xasan Sheekh Maxamuud u doortay inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya, kaddib markii la qabtay doorasho dadban.

Xasan Sheekh intii uu xilka joogay waxa uu qayb ka qaatay dhismaha hanaanka dowladnimada dalka, waxbarashada, caafimaadka, kaabayaasha dhaqaalaha, horumarinta iyo amniga.

Madaxweyne Xasan waxa uu noqday madaxweynihii ugu horeyay ee dalka gudihiisa lagu doorta isagoo hogaaminayo dowladdii ugu horeysay ee aan kumeel gaar ahayn tan iyo 1991-kii.

Xasan Sheekh ayaa xilka madaxweynaha ku wareejiyay kadib markii doorasho lagaga adkaaday madaxweynaha uu maanta kaga guulaystay doorashada ee Farmaajao.

Intii uu dalka ka talinayay nidaamka Farmaajo, madaxweyne Xasan ayaa kamid ahaa shaqsiyaadka sida aadka ah uga horyimid hanaanka qar iska tuurnimada ah ee maamulka Farmaajao.

Xasan Sheekh ayaa lagu xasuustaa in uu si aad ah u diiday siyaasadihii Farmaajo uu ku wajahay maamulada dalka, Askartii loo qaaday dalka Eritrea iyo dhaqamada maamulka Farmaajo.

Madaxweyne Xasan ayaa noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee markale loo doorto hoggaanka dalka tan iyo xurnimadii.

Goobjoog News