U bood dhigaalka

Xasan Sheekh oo Sheegay in Madasha Looga Hadli Doono Nidaamka Doorasho, Arrimaha Nabad Galyada iyo Dastuurka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha federaalka ayaa maanta ka hadlay furitaanka shirka madasha qaran ee looga arrinsanayo nidaamka doorasho ee 2016-ka.

Shirkan waxaa goobjoog ka ahaa sidoo kale ra’isul wasaaraha dalka Cumar Cabdirashid iyo Madaxweyneyaasha maamul goboleedyada sida Puntland Cabdiweli Gaas, Galmudug Cabdikarim Guuleed, Koonfur Galbeed Sharif Xasan iyo Jubbaland Axmed Islaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin taariikhi ah oo Soomaaliya ay xusi doonto, isagoo uga mahadceliyay madaxweyneyaasha maamul goboleedyada sida ay dacwadiisa u ajiibeen, shirkana uga soo qeybgaleen, waxaa uuna ku booriyay madaxa goobta fadhisay in shacabka aan na niyad jabin oo shaqo fiican uu halkaas ka soo baxo.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa soo qaatay in loo baahan yahay in dowladda federaalka iyo kuwa gobollada loo baahan yahay in ay u wada adeegaan danta guud ee dalka, oo dalka gobannimadiisa.

Xasan Sheekh waxaa uu amaanay shaqada dowlad goboleedyada jira isagoo sheegay in ay dalka ku soo kordhiyeen adeegyo badan sida amaanka, horumarka iyo adeegga bulshada isagoo xusuusiyay in aanay jirin cid kaligeed istaagi karta.

Madaxweynaha waxaa uu madasha ka sheegay in marka la dhiso maamulka Hiiraan iyo Shabeelle ay dowladda xooga saari doonto inta u dhaxeysa EX Conrol iyo Ceel Cirfiid halka inta soo hartay laga xisaabtami doono maamul goboleedyada.

ugu dambentii waxaa uu madaxweyne Xasan soo jeediyay in wax la iska dhaho inta shirkan uu socdo, nidaamka doorasho, Dastuurka, nabadgalyada iyo siyaasad amni uu dalka lahaado iyo xoogga la saaro sameynta labada aqal midka sare iyo midka hoose iyo shuruucdii ka dambeysay.

Goobjoog News