U bood dhigaalka

Xasan Sheekh oo Sheegay in Soomaaliya Noqon Doonto Meel Dhaqaalo Fiican Oo Loo Soo Dalxiis Tago.

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, Turkiga Erdogan iyo ku xigeenka xogeyaha guud ee qaramada midoobey Jan Eliasson ayaa shir jaraa’id goor dhaw ku qabtay Istanbul.

Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa si fiican uga hadlay xaaladda Soomaaliya isagoo amaanay xaaladda dib u dhiska iyo amniga ee ka socda guud ahaa Soomaaliya.

Erdogan sidoo kale ka  hadlay mashaariic ay ka fuleen Soomaaliya iyo sidii ay uga qeyb qaateen soo celinta amniga.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud oo halkaas ka hadlay ayaa Turkiga ku amaanay kaalinta dib u dhiska ay ka wadaan Soomaaliya uu  ku leeyahay dib u soo kabashada dalka.

Xasan Sheekh waxaa uu khudbadiisa uga hadlay sida duqa magaalada Istanbul oo uga qeyb qaadan doono in magaalada Muqdisho loo sameeyo gaadiidka dadweynaha.

Waxaa kaloo uu ka hadlay doorashada ka dhici doonta dalka  taas uu ku sheegay in dalka ay ka dhici doonto doorasho taariikhi ah oo dadka ay codkooda dhiibanayaan, arrintaas ayuu Turkiga ugu mahadceliyay.

Madaxweynaha waxaa uu rajo fiican ka muujiyay mustaqbalka isagoo sheegay in Soomaaliya ay noqon doonto meel dhaqaalo fiican leh oo loo soo dalxiis tago.

Madaxweynaha waxaa uu taageerada Turkiga ku tilmaamay mid  ka saameyn badan Ballaayiin Doolar oo Soomaaliya la siiyay.

Ugu dambeyntii waxaa uu soo qaatay in Soomaaliya ay noqon doonto dalkii ugu horeeyay ee ka adkaada waxa uu ugu yeeray argigixisada.

Ku xigeenka xogheyaha guud ee qaramada midoobey Jan Eliasson oo sidoo kale shirka jaraa’id ka hadlay ayaa dhankiisa sheegayay in Soomaaliya u baahan tahay in amaanka wax laga qabto sidii loo xoojin lahaa madax banaanideeda.

Jan Eliasson waxaa uu intaa ku daray in ganacsiga uu kor u qaadayo dib u dhiska dalka.

Goobjoog News