U bood dhigaalka

Xasan Sheikh: 8 February Anoo Madaxweyna Soo Kacay Anoo Madaxweyne Aheynna Gurigeyga Ku Noqday

Sheeko:Amniga

Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud oo muddooyinkii la soo dhafay safar ku joogay dalka Turkiga ayaa sheegay in loo bahana yahay in dalka ay ka dhacdo doorasho.

Xasan Sheikh ayaa kulan uu la yeeshay jaaliyadda Soomaaliyeed ee turkiga waxa uu ka sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ku heshiiyeen in afartii sanaba mar ay doorasho gasho.

8-dii Febaraayo 2017-kii waxa aan Madaxtooyada kasoo kacay aniga oo ah Madaxweyne balse habeenkii waxa aan laabtay aniga oo aan ahayn Madaxweyne, ma aha in la isku dhajiyo, ilaalinta qawaaniinta ayaa muhiim ah” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Madaxweynihii sideedaad ee Soomaaliyeed  ayaa sidoo kale sheegay in doorashada ay nasiib tahay qofkii ku guuleystana uu dalkan madaxweyne ka noqonayo.

“Qofkii illaaheey u qadaro dadka soomaaliyeedna qanacsado ra’yigiisa iyo taladiisana ku qanacyado yaa la dooranaya ninkaas la doortana waa noo madaxweyne, midabyada dadka loo qeyb qeybiyanayo sax ma ahan kulligeen Soomaaliyaa Nahay” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud.

Goobjoog News