U bood dhigaalka

Xasan Sheikh: Anigu Waxaan Aamin-sanahay Doorashada Waalagu Qaban Karaa Waqtigeeda

Sheeko:Amniga

Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud, ayaa bulshada soomaaliyeed uga warbixiyay xaaladihii ugu dambeyay ee dalka dhinaca dhaqaalaha iyo siyaasadda dalka, isagoo sheegay in afartii sano ee uu dambeysay ay wax waliba meeshoodi taagan yihiin oo aan horumar la sameeyay.

Xasan ayaa sheegay in dadka soomaaliyeed ay caqaabda badan ku hor gudban yihiin isagoo sheegay in loo baahanyahay in wixii dhacay aan dib loo fiiirin oo tan maanta si wadajir ah loo xaliyo.

“Anigoo ah oday Soomaaliyeed, waxaan leeyahay dadkeyga Soomaaliyeed aan ka imaano wixii shalay nagu dhacay, aan u imaano tan maanta, sidoo kale aan u diyaar garowno tan berri. Waxkastoo dhacay waa lasoo dhaafay, soomana noqon karaan ee dulqaata,” ayuu yiri madaxweyne  Xasan Sheekh.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay doorashada hadda dalka uu ku jiro lagu soo dhameystiri karo waqtiga loo qoondeeyay.

“Anigu waxaan aamin sanahay doorashada waalagu qaban karaa waqtigeeda , 275-ta xildhibaan waa lagu soo dhameystiri karaa in badan  waaba dooran yihiinaa la yiriye,” ayuu yiri Xasan.

Madaxweynihii dowladdii ugu horeysay ee federaalka kadib xilligii kumeel gaarka ayaa sidoo kale madaxda dalka ugu baaqay in dalka aysan ku celinin halkii laga keenay.

“Dadka iyo madaxda Soomaaliyeed waan u digayaa, war dalka yaan la gelin ciriiri ku celiya duruufihii aan soo marnay, waxaan uga badbaadi karnaa doorashada oo la dedejiyo, kuma nagaa karno xaaladaan maanta aan ku jirno,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

                    Hoos ka daawo hadalka Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud