U bood dhigaalka

Xasan Sheikh Maxamuud Oo Sheegay In Ay Ka Walaacsanyihiin Doorashada In Waqtigeeda Ay Ku Dhiciweyso

Sheeko:Amniga

Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxaxmuud ayaa sheegay in ay wal-wal xooggan ka qaban in doorashooyinka dalka ay waqtigooda ku qabsoomaan.

Xasan Sheikh oo waregsi gaar ah siiyay Goobjoog News  ayaa sheegay in jadwallo horay loo dejiyay ay fashilmeen kanna ay ka walwalsan yihiin in sida loo qorsheyay uu ku qabsoomi waayo.

“Wax badan in aan ku mashquulno wixii shalay dhacay ma ahan cashar ka barashey noogu filan tahay, horay in aan u soconan rabna, jadwalka hadda la sameeyay in uu dhaqan galaa rabnaa, oon dib looga dhicin, kan hadda la sameeyay labada bilood ee hadda la dhigay inaaney dib uga dhicinaan rabnaa, oo sida loo dejiyay loo qabto, taasanaa walwal ka qabna in ay dib uga sii dhici doonto” ayuu yiri madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud.

Madaxweynihi 8-aad ee dalka ayaa sidoo kale sheegay in ra’iisul wasaaraha dalka uu muujiyay in dadaal xooggan uu ku bixinayo in dalka ay doorasho ka dhacdo.

“Maxamed Xuseen Rooble aad iyo aad uu u dadaalay, horayna waa u soo dadaalay hadana weli dadaalkiisi wuu muuqdaa, dalka kama bixin wuu jooga, afar iyo labaatan saac wuu shaqeynooya guddiyadi doorashada waa uu magacabay wixii dhiniciisa ku xirna wuu qabtay. ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xasan Sheikh.

Madaxweyne xasan sheikh ayaa sidoo kale sheegay in ay weli jiraan tabashooyin ay qabaan midawga musharixiinta oo aan laga xallin.

” Midawga Musharixiinta annaga tabashooyin badanaa qabna laakiin tabashada midaa ka asal ah dalkaan waa iney dooraha ka dhacda. mabda’a koow aan heshiiska ku nahay waxa waaye dalkaan in ay doorasho ka dhacdo, waxaan u soo halganay oo u qeylineynay oo naloo dili gaaray waa in ay doorasho dhacdo, welina waan ku taaganahay”.

Goobjoog News