U bood dhigaalka

Xasan Wiish “Qorshayaal Cusub Ayaan Ku Kordhindoonaa Tartanka Kubabdda Cagta Degmooyinka 2020”

Sheeko:Cayaaraha

Kulan ay Muqdisho ku yeesheen madaxda ciyaaraha Gobolka Banaadir iyo mas’uuliyeenta isboortiga degmooyinka Gobolka ayaa laga shaaciyay waqtiga uu qabsoomi doono tartanka sanadalaha ee kubbadda cagta degmioyinka Gobolka Banaadir ee 2020.

Tartanka oo ka mid ah kuwa ug xiiso badan uu sanad walbo qabto maamulka isboortiga Gobolka Banaadir waxaa ka soo baxa dhallinyaro badan kuwaas oo kaalin wanaagsan ka qaata horomarka guulaha kooxaha kubbadda cagta iyo Xulka Qaranka Soomaaliya.

Sanadkii la soo dhaafay 2019 waxaa tartanka ku guulaystay xidigaha degmada Dharkenlay,iyagoo ku qaaday guul daro la’aan,balse saddexdii sano la soo dhaafay maamulka ciyaaraha Gobolka Banaadir waxaa u suura geliyay in finaalaha tartankan muqdisho lagu ciyaaro xili habeen ah,waxayna taasi keentay in si weyn loo hadlayay horomarka uu soo kordhiyay maamulka isboortiga Gobolka Banaadir.

 Daawo Warbixin Ku Saabsan Qabsoomida Tartanka Degmooyinka 2020

Sidoo Kale Aqirso Xog Kale Oo Ku Saabsan Tartanka Degmooyinka 2020

https://wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com/maamulka-isboortiga-gobolka-banaadir-oo-shaaciyay-xiliga-la-qabanayo-tartanka-kubbadda-cagta-degmooyinka/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle