U bood dhigaalka

Xasan Xanafi oo qirtay in uu yahay qofka ay doon-doonayso dowladda FS

Sheeko:War
Xasan Xanafi
Xasan Xanafi

Xasan Xanafi Xaaji oo gacanta ugu jira booliiska  Kenya ayaa qirtay inuu yahay eedaysanaha la doon-doonayo ee ka tirsan  Al-Shabaab.

Markii Xanafi Xaaji ay qabteen ciidamada amaanka  Kenya ayuu ka dafirsanaa inuu yahay Xasan Xanafi Xaaji, isaga oo sheeganayay magac kale oo ahaa Yuusuf Xasan Cabdisalaan.

Sarkaal ka tirsan booliiska  Kenya oo diiday magaciisa in warbaahinta ay adeegsato ayaa u sheegay wakaalada wararka AP in baaritaan dheer kadib uu Xasan Xanafi Xaaji  qirtay inuu yahay eedaysanaha ay doon-doonayso dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay sarkaalkaan ka tirsan booliiska  Kenya in ay haatan qorsheynayaan sidii  ay Xasan Xanafi Xaaji ugu wareejin lahaayeen dowladda Soomaaliya maadaama ay hore u soo gudbisay codsi la xiriira in loo soo gacan geliyo eedaysanahaasi.

Warqado sheegayay inuu Xasan Xanafi Xaaji yahay Kenyan  ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwo la  been abuuray , sidaasina waxa cadeeyay  sarkaalka booliiska Kenya ka tirsan, kaasoo warkaan laga soo xigtay.

Xasan Xanafi Xaaji ayaa ku eedaysan inuu ka dambeeyay dilal dhowr ah oo magaalada Muqdisho loogu geystay wariyeyaal Soomaaliyeed oo siyaabo kala duwan loogu dilay gudaha dalka, waxaana soo eedaysay maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Booliiska  Kenya ayaa xaafada Islii ee Nayroobi   ka soo qabatay  Xasan Xanafi Xaaji oo  SHabaab ugu qaybsanaa daba galka weriyeyaasha.